Jimicsi jireed ayaa maanta la sameeyay si loogu xuso dhamaystirka biyo xidheenka wayn ee itoobiya iyadoo halkudhigeedu yahay “wax soo saarka iyo soo noolaynta”.
Dhoolatuskan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga dhalinyarada iyo ciyaaraha ismaamulka Diridhaba ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda sare ee maamulka, shaqaalaha dowladda, iyo shacabka maamulka oo uu ugu horeeyo duqa ismaamulka Diridhaba mudane Khedir Juhar.


