Munaasibad si heer sare ah looso agaasimay oo lagu qabtay xelada dhakhtarkani ayaa waxaa kaso qayib gashay masuuliyin iskugu jirta heer federal iyo heer ismaamul oo uu hor kacayo duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar iyo wasiirka horumarinta dhaqaalaha iyo maaliadda mudane axmed shide.
Daah furki dhakhtarkani oo hadda ka hor ahaa dhakhtarka xaruunta dhabada xadiidka ee itoobiya iyo jabuuti ayaa hatan maamulkiisa uu si taas ah ula wareegay ismaamulkani diri dhabe iyadoona si cusub loo qalabeeyay isla markaana loogu tala galay in labu daweeyo dadka xaaladaha caafimaad ee deg degu lasoo gudboonaadan.
Munaasibadani lagu daah furaayay dhakhtarkani ayaa waxaa ka hadlay mudane khadiir jawhar oo ah duqa ismaamulka wuxuna sheegay in balan qaadki ay dawladu u gashay bulshada laga midho dhaliyay iyado baahiyaha bulshada ee wakhtiganina si toos ah looga hawl galay.
Geesta kale mudane khadiir jawhar ayaa sheegay in qalabayinta dhakhtarkani ay kala kaashadeen dawlada dhexe wuxuna sheegay in ay ku baxday miisaaniyad dhan 15 milyan oo birr.
Marwo lamlam basaabi oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ismaamulkani diri dhabe ayaa sheegtay in ay bulshada ismaamulku baahi u qabeen dhakhtarkani isla markaana lagu dawayin doona dadka shilalku lasoo gudboonaadan, dhakhtarka lafaha, ka ilkaha iyo waliba shay baadhada xanuunada gudaha jidhka.
Sido kale waxaa munaasibadani goob jog ka ahaa wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka ee JDFE dr dharaje dhuguma oo sheegay in la dar dargalin doona dhamayistirka tayada xaruumaha caafimaadka iyado laga duulayo baahiyaha shacabka.
Daah furki dhakhtarkani oo lagu qalabeeyay qalab cusub ayaa waxaa sido kale goob jog ka ahaa af-hayeenada golaha shacabka ee ismaamulka marwo fatxiya aadan, ku-xigeenka duqa ahna madaxa xafiiska ganacsiga warshadayinta iyo maalgashiga mudane xarbi buux iyo masuuliyiinta heerarka kala duwan ee ismaamulkani diri dhabe.
Waxaa la daah furay dhakhtarka lagu baxnaanin doona bukaanka xaaladaha deg dega.


