Fagaaraha Guddiga Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dire Dhabe oo loo rogay goob casri ah .

Guddiga Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ismaamulka Dire Dhabe ayaa si guul leh u hirgeliyay mashruuc dib-u-dhis iyo qurxin ah oo lagu sameeyay fagaaraha hortooda, kaas oo maanta noqday meel qurux badan oo ay ku nastaan dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan.

Komishinerka komishinka , Mudane Khalid Maxamed, ayaa sheegay in mashruucan lagu hirgeliyay iskaashi ay yeesheen dhalinyarada, qoyska isboortiga iyo dadka deegaanka.

Waxa uu xusay in fagaaruhu horey u ahaa mid duug ah, balse maanta loo beddelay goob casri ah oo leh Qurxin cagaaran

Farshaxanno matalaya ciyaaraha kala duwan

Nalal qurux badan

Ilo-biyood soo jiidasho leh

Dayr iyo nadaam guud oo casri ah

Mudane Khalid ayaa tilmaamay in fagaarahan uu hadda yahay goob firfircoon oo la jaanqaadaysa horumarka Dire Dhabe, isla markaana noqotay meel ay ku nastaan dhalinyarada iyo qoysaska.

Dadka deegaanka ayaa iyaguna xaqiijiyay in goobtii hore u ahayd meel qashin lagu shubo ay maanta noqotay astaan qurux, nadaafad iyo madadaalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *