Ismaamulka Diridhaba, ayaa maanta si rasmi ah u daah furay waaxda daryeelka xalada dagdaga ah iyo daawaynta gudaha oo kaalin mug leh ka qaadatay horumarinta tayada adeegyada caafimaadka ee bulshada.
Waxaana munasibada dah fuurka kaso qayb galay oo ka hadlay duqa is Maamulka Diridhaba, Mudane Khadir juhar, oo sheegay in xarumahan caafimaad ee maanta la furay ay yihiin kuwo ka turjumaya qorshaha isbadalka caafimaadka ee dal ahaan laga bilaabay.
Dhakhtaarka guud ee Sabiyan ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday balaadhinta adeegyada caafimaad, iyadoo la hubinayo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee dadka bulshada, waxaana uu fuliyay shaqooyin kala duwan.
Duqa magaalada Khadir, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in uu si hagar la’aan ah uga shaqayn doono sidii uu u taageeri lahaa dib u habaynta lagu bilaabay waaxda caafimaadka.
Dr. Tsigeredha Kifle,oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee ismaamulka Diridhaba, ayaa sheegtay in ka mamuul ahaan ay ku dadaalayaan ka hortaga cudurada iyo balaadhinta adeegyada caafimaadka.Waxayna sheegtay in ka sokoow abaabulka isbitaalka oo ah tignoolajiyada casriga ah in dadaal badan loo galay sidii loo balaadhin lahaa adeegyada caafimaad ee loo fidiyo iyo in la helo adeeg caafimaad oo heersare ah.
Waxa kalo ay tilmaamtay in iyadoo la xoojinayo adeegyada caafimaadka sifaynta iyo waaxyaha kale ee caafimaad ee uu hindisaha u yahay duqa magaalada mudane Khadir Juhar, ee isbitaalka in la guda gali doono hawlo kor loogu qaadayo wada shaqaynta ka dhaxeysa dawladda iyo hay’adaha gaarka ah.
Waaxda daryeelka dagdaga ah iyo daawaynta gudaha oo dhawaan la dhamaystiray ayaa ka kooban 10 qol, waxaana lagu rakibay qalab casri ah oo lagula tacaalayo cudurada faafa.


