Munaasabadda qalin-jabinta waxaa ka hadlay Madaxa Xafiiska Duqa IDD, Mudane Gabayyo Tilahun, kaas oo xusay in kulliyadaha iyo jaamacaduhu ay kaalin weyn ka qaataan xalinta dhibaatooyinka bulshada iyo dalka iyagoo adeegsanaya cilmi-baaris iyo aqoon casri ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Kuliyadda Ol-Bright International, inkastoo ay muddo kooban jirtay, ay soo saartay arday aqoon iyo xirfad leh oo ah rajo mustaqbalka ee dalka.
Dhankiisa, mamulaha Kuliyadda Ol-Bright International, Mudane Mikiyaas Biraanuu, ayaa sheegay in tan iyo aasaaskeedii 2015, kuliyaddu ka sokow bixinta waxbarashada ay door muuqda ku lahayd taageeridda bulshada iyo ismaamulka Diridhaba, iyadoo la fuliyey hawlo cilmi iyo adeeg bulsho ah.
Ardayda qalin-jabisay ayaa dhankooda ku muujiyey farxad iyo dhiirigelin, iyagoo sheegay in ay dadaalkoodii miro dhaliyeen, kana go’an tahay inay sii wataan waxbarashadooda si ay u gaaraan heerar ka sareeya.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, ardaydii kaalmaha sarre ku soo baxay waxaa lagu guddoonsiiyey deeqo waxbarasho (scholarship) si ay ugu sii wataan waxbarashada heerar sare. Sidoo kale, kuliyaddu waxay shahaadooyin aqoonsi siisay hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee la shaqeeyay dhinaca tababarka iyo waxbarashada.


