Kuliyadda Ol-Bright International lanteeda Diri Daba aay markii ugu horraysay aayka qalin-jabisay 120 arday oo ku takhasusay barnaamijyada tababar farsamo iyo xirfado kala duwan, kuwaas oo shahaadada Diploma lagu guddoonsiiyey.
Munaasabadda qalin-jabinta waxaa ka hadlay Madaxa Xafiiska Duqa IDD, Mudane Gabayyo Tilahun, kaas oo xusay in kulliyadaha iyo jaamacaduhu ay kaalin weyn ka qaataan xalinta dhibaatooyinka bulshada iyo dalka iyagoo adeegsanaya cilmi-baaris iyo aqoon casri ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Kuliyadda Ol-Bright International, inkastoo ay muddo kooban jirtay, ay soo saartay arday aqoon iyo…


