Waxaa la aaminsan yahay in muwaadin kasta uu door muhiim ah ka qaato sii wadidda isbeddellada ka socda dalkeenna.

Dadka ku nool ismaamulka Dir Dhabe ayaa sheegay in dib-u-habayntii uu sameeyay Ra’iisul Wasaare DR. Abiy Axmed ay keentay isbeddello muuqda oo taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee Itoobiya.

Bulshada deegaanka ayaa tilmaamay in mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay Dir Dhabe tan iyo markii dib-u-habayntu bilaabatay ay si weyn u faa’iideeyeen shacabka, isla markaana ay wax ka beddeleen muuqaalka guud ee magaalada.

Waxay sidoo kale xuseen in isbeddellada siyaasadeed ee cusub ay muddo kooban gudaheed abuureen rajo iyo yididiilo cusub oo ku aaddan mustaqbalka.

Mudane Shemshedin, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa xusay in dalka uu galay marxalad isbeddel oo muhiim ah kadib markii uu xilka la wareegay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maxaabiis siyaasadeed, saxafiyiin iyo u dhaqdhaqaaqayaal xuquuqda aadanaha laga sii daayay xabsiyo adag, isla markaana ay si xor ah u wataan hawlahoodii, taasoo astaan u ah furfurnaanta iyo ballaarinta jawiga siyaasadeed.

Dhankiisa, mudane Elias Maxamed ayaa ugu baaqay xisbiyada siyaasadeed, siyaasiyiinta iyo xirfadlayaasha warbaahinta ee dibadda ku sugan inay dib ugu soo laabtaan dalkooda, kana qayb qaataan dadaallada nabadeed ee lagu dhisayo nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Mudane Kinfe ayaa isna tilmaamay in isbeddellada la hirgeliyay ay keeneen natiijooyin wax ku ool ah, gaar ahaan xal u helidda arrimo muddo dheer taagnaa.

Wuxuu xusay in nidaamka cusub uu suurtageliyay ka qaybgalka ballaaran ee bulshada, iyadoo dad kala duwan ay fursad u heleen inay ka shaqeeyaan jagooyinka hoggaanka, laga bilaabo heer wasiir ilaa heerarka hoose, taasoo ku dhisan mabda’a sinnaanta.

Sidoo kale, mudane Maxamed cabas ayaa sheegay in dib-u-habaynta ay wax weyn ka beddeshay habkii ay dowladdu u shaqeyn jirtay, isla markaana ay dhalisay dhaqan cusub oo oggolaanaya in xisbiyada iyo hay’adaha matala shacabka ay si xor ah u muujiyaan aragtidooda.

Ugu dambeyn, mudane Tsadkan ayaa muujiyay in dadaallada lagu xoojinayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ee madax-bannaan ay yihiin kuwo lama huraan u ah qabashada doorashooyin xor iyo caddaalad ah, taasoo muhiim u ah horumarinta dimuqraadiyadda iyo mustaqbalka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *