Barnaamijka ka qaybqaadashada dadwaynaha oo lagu dhisayo wadada raafka ah ee xafadda baargeele ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay maamulka dagmada 02 iyo ka wakkaladda ka qaybgalka bulshada ee is maamulka Diridhabe.
Bulshada xafadda Baargeele ayaa muddo badan bahi u qabay waddo 1 KM ah in loo sameeyo wado oo isku xirta Goro Xadiid, Hana Grocery ilaa Bargeele waddada tareenki hore, sidoo kale waxaa lasoo gaba gabeeyay howlihii biyo mareenada oo sanado badan ay codsanayeen. Iyada oo ay ka qaybqaadanayaan bulshada iyo dawladduba, waxa la bilaabay barnaamij lagu dhisayo waddo raaf ah.
Mudane Ibraahim Yuusuf,oo ah wakiilka dawladda ee golaha barlamaanka is maamulka Diridhabe oo kaso qayb galay barnaamijka daah-furka mashruucan, ayaa sheegay in mashruucani muujinayo nooca natiijo ee lagu gaadhi karo in la isku xidho ka qaybgalka bulshada iyo dawladda, waxaanu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanu xaqiijin doono in su’aalaha ay dadkeenu waydiiyaan si sax ah looga jawaabo.
Marwo Raxima Awal,oo ah madaxa wakaalada horumarinta deegaanka iyo ka qaybgalka bulshada ee ismamulka diridhabe ayaa dhankeeda sheegtay in shaqadu ay hada bilaabatay waxayna ku boorisay in la sii wado ka qayb qaadashada bulshada inta uu mashruucani dhamaanayo.
Sidoo kale gudoomiyaha maamulka dqgmada 02 Mudane Abel Misraaq,ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid bulshada siisay kalsooni dowladnimo islamarkaana uu yahay mid muujinaya isbadalka muuqda.


