Waxaa lagu dhawaqaay in Shaqooyin bulshadda wax tar uu leh laga qabtay shantii sano ee la soo dhaafay dhinaca haqab beelka cuntada.

Madaal Dood iyo waayo aragnimo la isku waydaarsaday hawlo shaqo oo ka kooban shan waji oo ka mid ah hawlaha badbaadada horumarinta reer miyiga ee ka socda xafiiska beeraha, khayraadka biyaha iyo tamarta ee is maamulka Diridhaba,ayaa maanta la qabtay.

Ku-xigeenka Xafiiska Beeraha, Khayraadka Biyaha iyo Tamarta ee is Maamulka Diridhaba mudane Maxamad Amiin,oo ugu horaynti halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashaariic badan laga fuliyey barnaamijka ilaalinta cuntada, gaar ahaan khudaarta iyo , xoolaha, caanaha, ciidda iyo ilaalinta biyaha.

Dhankeeda, La-taliyaha Madaxa Xafiiska Beeraha, Khayraadka Biyaha iyo Tamarta ee is Maamulka Diridhaba, Marwo Misra Abdalla, ayaa sheegtay in waxqabadka waxtarka leh ee laga qabtay dhinaca beeraha shantii sano ee la soo dhaafay ay kor u qaadeen wax soo saarka iyo, sidoo kalena kor loo qaaday nolosha beeralayda iyo xoolo dhaqatada.

Madaxa xafiiska isku xidhka ilaalinta cuntada ee wasaarada beeraha ee fedaralka marwo Sintaye Dhamise, ayaa sheegtay in hawlihii sugnaanta cuntada ee maamulka Diridhaba ka socday shantii sano ee la soo dhaafay uu ahaa mid wax ku ool ah, xafiiskuna uu sii xoojin doono taageerada hawlaha ka socda maamulka ee ku saabsan ilaalinta cuntada.

Aggasinka Sugnaanta damana qadka cunnada Reer Miyiga ee Xafiiska Beeraha, iyo Tamarta ee Maamulka Diridhaba, mudane Fandishe Baasha, ayaa sheegay in barnaamijka Safety Net-ka uu ahaa barnaamij ay bulshada ismamulku ku nool ka badeleen mid ay ku tiirsan yihiin oo ay noqoto mid wax soo saar leh, waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay hay’adaha iyo shakhsiyaadka kala duwan ee gacan ka gaysta sidii uu barnaamijkan u qabsoomi lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *