Xafiiska Shaqada iyo Xirfadaha Ee Is Maamulka Diridhabe Ayaa Xaflaad qalin Jabin Ah Uu qabtay 971 Arday Oo Loo Tababaray qaybaha Kala duwan Ee xirfada.

Barnaamijka shaqo barasho ee dhalinyarada oo ay si wada jir ah u fulinayaan bangiga aduunka ayaa maanta si habsami leh uga qalin jabiyeen dhalinyaro loo tababaraay xirfado kala duwan.

Waxana furitaanki Xafladan qalin jabinta ka hadlay Mayaarka ismamulka magalada diridhabe Mudane Khadir Juhaar oo sheegay in dawladdu ay dajisay oo ay hirgalisay barnaamijyo badan oo lagu dhimayo dadka shaqo la’aanta ah suurta galna tahay in dhalinyarada loo helo fursado shaqo oo ku haboon dhalinyarada.

Waxa kalo uu sheegay duqu in ka maamul ahaan ay u tababareen oo ay qalin jabiyeen in ka badan 12,000 oo dhalinyaro ah maantana ay qalinjabiyeen 972 dhalinyaroo ah islamarkaana ay ku shaqaystaan,doonan xirfaday barteen xooggana saari doono sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa miyii iyo magaloba.

Mayaarka ayaa u mahadceliyay hantilayashi,iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay oo qacaan ku siyay dhalinyaradu in ay ku dhaqmaan shaqadooda si ay uga soo baxaan waajibaadkooda bulsho.

Geesta kale Madaxa xafiiska shaqada iyo xirfadaha ee is maamulka Diridhabe Mudane Robel Getachaw ayaa sheegay in barnaamijka shaqo barasho ee dhalinyarada uu wax badan ka badalay nolosha dhalinyarada islamarkaana uu suurta galiyay in la dhiso awooda dhalinyarada si ay ugu tartamaan suuqa shaqada.

Waxa kale oo uu sheegay mudane robel in 972 dhalinyaro ah oo uu tababaray xafiiska shaqada iyo xirfada, kuwaas oo kuna qalin jabiyay xirfado kala duwan oo macno leh si loo dhimo tirada shaqo la’aanta.

Waxaa kalo barnaamijka ka soo qayb galay Maayar ku xigeenka is maamulka diridhabe Mudane Xarbi Buux, masuuliyiin sarsare oo ka tirsan ismamulka diridhabe, culimaa udiinka magalada, marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada iyo dhalinyaradi qalin jabinaysay.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade:Tedhiroos Lu ul Sagadh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *