“Bisha Barakaysane Ramadaanka Ee Fooda Inagu Soo haysa Waa In Aay dadka Muslimiinta Ah Si Wayn Uu garaab istagaan dadka tabarta yar, isla markaana loo samata bixiyo”

Duqa Magaalada Diridhabe

Mudane Khadir Juhaar.

Waxaa la og yahay in bisha Ramadaan Ee sannadka 1446 uu bilaabanayo 6 maalmood kadib.

Waxaa Madasha 30-aad Ee Markuz lagu soo bandhigay munaasabado kala duwan oo diinta Islaamka ah, iyadoo ay ka soo qayb galeen dad badan oo isugu jiray Culimaa’udiin, Imaamyo iyo Macalimiin ka tirsan Magalaada diridhabe.

Intii uu socday barnaamijkan ayaa waxaa khudbadiisa ku sheegay wakiilka golaha arrimaha Islaamka Ee ismaamulka diridhabe Ustaz Cabdalla oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in madasha Markuz ay soo gaarto magaalada diridhabe, isagoo u gudbiyay dhammaan shacabka muslimiinta ah hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan ee sanadka 1446-ka.

Waxaa kalo u sheegay in dadka Muslimiinta ah ay ku dadaalaan bisha Ramadaan oo ay ku gudan jireen acmashaa Soonka iyo Salaadda, iyagoo samaynaya wax wanaagsan oo fadli leh.

Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay duqa magaalada Diridhabe mudane Khadir Juhaar oo sheegay in inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan loo baahan yahay in umadda muslimiinta ah ay helaan naxariista uu Alle u naxariisto iyagoo gudanaya camal wanaagsan.

Duqa magaalada mudane Khadir Johaar ayaa ugu baaqay dadka in ay ku bixiyaan sadaqada xilliga soonka caawinta iyo daryeelka dadka danyarta ah.

Ka soo qayb galayaasha madasha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in madasha 30-aad ee Markuz loo qabto u diyaar garowga soonka bisha Ramadaan, waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ku bilaabaan soonka qalbi nadiif ah iyo is cafis.

Waxaa kalo,munasibada goob joog ka ahaa Af hayeenka Golaha Baarlamaanka is Maamulka Diridhabe Marwo Fadxiya Adan,Af hayeen Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Kariima Cali, Madaxda Sare Ee Maamulka, Odayaal iyo marti sharaf lagu casuumay Munasibada.

Shucayb Dahir

Sawir qade:Aganyaw Shawa Araga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *