Gargaarkani ayaa marka lacag ahaan loo dhigo kor u dhaafaaya 1.9 milyan oo birr waxaana ka qaabilag abaan duulayaasha ciidanka qaranka iyagoo kala qayb galay munaasibado ay si heer sare ah usoo agaasimeen bulshada kilaastarada miyiga ismaamulkani diri dhabe.
Masuuliyiinta ismaamulka oo uu hogaaminaayo kuxigeenka duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqada ayaa waxay ka gudoomeen gargaarkani waxayna isla goobtaasi ku wareejiyeen ciidanka qaranka.
Kilaastarka waaxil ayaa bixiyay 8 dibi lacag ahaana u dhigma 350 boqol oo kun oo birr
Kilaastarka jaldaysa ayaa bixiyay 8 neef oo geel ah iyo hal neef oo dibi ah lacag ahaana 430 boqol oo kun oo birr
Kilaastarka biyo cawaale ayaa bixiyay 15 dibi lacag ahaana u dhigma 700 oo kun oo birr
Kilaastarka casaliso ayaa bixiyay 10 dibi lacag ahaana u dhigma 400 oo kun oo birr


