qurba joogtani ayaa isku xilqaamtay in ay ismaamulka garab istaagaan hadda ka horna waxay taageero kala duwan soo gaadhsiiyeen bulshada hayntoodu yartahay ee ku dhaqan magaaladani diri dhabe gargaarkan ay hada gudoonsiiyeen ismaamulkana waa mid ay hadda kahor ay balan qaadeen in ay isku garab taagayaan bushadooda.
gargaarkani ah qalabka lagu baadho caabuqa karoonaha ayaa bulshada ismaamulka u fududayn doona in wakhti kooban lagu heli doono natiijada shaybaadhka karoonaha.
gargaarkani ayaa waxaa ka qaabilay ugana mahad celiyay qurbo joogta duqa ismaamulka mudane axmed maxamed buux oo tilmaamay in ay qurbo joogta u dhalatay ismaamulkani diri dhabe ee ku kala sugan wadanada qaarada yurub ay hada kahorna ay soo gaadhsiisay gargaaro kala duwan tanina ay tahay mid u sahlaysa bulshada ismaamulka in laala tacaalo halista uu leeyahay caabuqa korona fayrasku.
gargaarkani ayaa lagu qiyaasay lacag ahaan in uu ku dhawyahay hal iyan oo birr waxayna qurbo joogtu sheegeen in ay sii wadi doonaan isgarab taaga bulshada ismaamulka.


