kilaastarka biyo cawaale ayaa ciidanka qaranka ee waqooyiga dalka ka hawada hawlgalada sharciga lagu horkeenaayo kooxda tplf ku deeqay 15 dibi oo marka lacag ahaan lagu badilana waxay u dhigmaan 7 boqo oo kun oo bir.

    munaasibad heer sare looso agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyinta sar sare ee ismaamulka oo uu hogaaminaayay kuxigeenka duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar, madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo mudane mabraate gabra yees, xubnaha kaabineedka ismaamulka,masuuliyinta ciidanka qaranka ee bariga dalka, odyo dhaqameedka iyo waliba bulshada ku dhaqan kilaastarkaasi biyo cawaale.