Kulan ay ka soo qayib galeen shaqaalaha dawlada ee xubnaha ka ah ururada siyaasada ee dalka maantana waxaa kulankan kasoo qayb galay 6 xisbi ee ismaamulkan diri dhabe ka jira xubnahooda.
Shirkan oo uu shir gudoominaayay mayerka ismaamulka mudane ibraahim cusmaan ayaa sheegay in wakhtiyadani danbe ay ismaamulka ka jireen shiqaaqooyin ay dadku naf waayeen hantina ay ku luntay maahina dhibaatadani mid u dhaxaysa shacabka ee waa mid ay lug ku leeyihiin shaqsiyaad siyaasada in ay dhan kale u leexiya raba dadkaasina waxay qayib ka yihiin shaqalaha dawlada.
Dhanka kale mudane c/salaam axmed oo ah madaxa xafiiska xisbiga dimuquraadiga ee shacabka soomaalida iyo dhigisa madaxa xisbiga EPRDF mudane shamalis kabadhe ayaa shaqaalaha dawlada ee xubnaha ka ah xisbiyadasi kula dar daarmay in ay shaqooyinka ay dawlada iyo shacabka ay xoojiyaan kana fogaadan ka qayib galka khilaafyada ka dhaca xaafado ka mid ah ismaamulkan diri dhabe.


