Ciidanka difaaca qaranka ayaa qalin jabin u sameeyay 2600 oo loo carbiyay sida nabad sugida

    Xerada ciidanka ee huurso ayaa ciidankani waxaa 3 bilood ee ugu danbaysay uga socday tobobar gaar ah oo looga gol lahaa in ciidankani lagu tobobaro si loogu diyaariyo wadamada uu dalkeenani u diro ciidanka nabad sugida sida soomaliya oo ay amisom ku waheshaan nabad sugida sidoo kale waxaa uu wadankeenu uu ciidanka u diraa koonfurta suudan, darfuur iyo abiye.

    Qalin jabinti ciidankan ayaa waxaa goob jog ka ahaa masuuliyinta sar sare ee ismaamulka iyo waliba kuwa ciidanka oo uu ka mid yahay abaanduulaha ciidanka waxdooda xog raadinta xassan Ibrahim iyo waliba mayerka ismaamulka mudane Ibrahim cusmaan.

    Ciidankan oo 3 bilood ee lasoo dhaafay uu uga socday tobobarkan gaarka ah xerada ciidamada ee huurso ayaa qalinjabinti kusoo ban dhigay garoonka xeradasi tobobarki ay qaateen ee nabad sugida ahaa iyadoo shahaado sharafeed lagu gudoonsiiyay goobtasi qaybihi ay ka koobnaayen ciidanka.

    Ugu danbayinti qalanjabinta ayaa waxaa qudbad kooban oo uu kasoo jeediyay goobtasi mudane xassan Ibrahim oo ah abaan dulaha ciidanka nabad ilaalinta qayibta xog uruurinta ayaa ku booriyay ciidanka hada qalin jabiyay in ay xoojiyaan magaca wanaagsan ee uu dalkeenu ku leeyahay wadamada jaarka iyo waliba kuwa dunidaba ee dhanka nabad ilaalinta ah wuxuna u sheegay in ay ciidankani hada isku diyaariyaan sidii dalalka loo diro ay uga soo hoyin lahaayeen guulo dhanka nabad ilaalinta ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *