Waxaa la furaaya wadada lamida ah ee isku xidha diri dhabe iyo dawanle.

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay mashruuca dhisida wadadan oo sannadihi ugu danbeeyay dhismaheedu ka socday inta u dhaxaysa diri dhabe ilaa dawanle iyadoo wadadani laabida ah loo wareejiyay shirkada kiraysa wadooyinka ee itoobiya.

    Wadadani ayaa waxay ka kooban tahay 223 kilo mitir dhararkeedu waxayna leedahay saddex xaruumod oo lagu uruuriyo kirada wadadaasi laamidasi waxaana la sheegay markay shaqada bilawdo in ay fursado shaqo ay ka heli doonaan dad gaadhaya ilaa 300 oo qof iyadoo ay shaqaalahaasina badankood ay noqon doonaan dhalinta deeganka u dhalatay.

    Wadadani oo ay dhismaheeda ka qayib qaaten shikada shinaha ee ccecc ayaa waxaa hada si buuxda loo furi doonaa iyadoo xaruumahaasina lagu uruurin doono kirada wadada oo la rabo in wakhti dhaw la bixiyo kharashki ku baxay ee amaahda ahaa.

    Masuulka wakaalada wadooyinka kirada ah ee dalka mudane mudtafa ayaa sheegay in ay wadadani ay ahmiyad balaadhan u leedahay bulshada deeganka sidaa darteedna ay ilaaliyaa iyagoo wakaaladoodanina uga faa`idayin doonto bulshada deegankan ay wadadu dhex marayso oo ay ka heli doonaan shaqo abuur iyo waliba isku gudubka gawadhidaba u fududayin doonto

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *