Sannadadi danbe ayaa waxaa isasoo taraayay caqabadaha ay dadka bixiya dakhliga ay ka sheeganaayaan shaqaalaha iyo xafiiska dakhliga ee ismaamulka iyadoo shaqaale yari iyo waliba dhanka khibrada oo shaqalaha qaar ku yar ay jirtay marxalado hoos u dhigaayay qorshi uu xafiisku lahaa ee dakhli uruurinta.
Tobobarkan oo soo socday mudo todobaad ah ayaa waxaa uu xidhitaanki tobobarkani hadal kooban kasoo jeediyay madaxa xafiiska dakhliga ee ismaamulkan diri dhabe mudane Khalid muxamed oo sheegay in intuu tobobarkani u socday shaqaalaha lagu qiimeeyay wax qabadka xafiiska eek u eedan dhanka dakhli uruurinta wuxuna sheegay in ay jiraan hog daloolooyin waliba dhanka dakhli bixiyayaasha ku eedan oo ah in wakhtiga dakhliga la bixinaayo ay bisha dhexdeeda ay iman oo ay imaadaan dhamaadka bisha markaasi waxaa dhacda in ay safaf dhaadheer galaan oo ay iyaga iyo shaqaaluhuba ay ku dhibaatoodan.
Mudne Khalid ayaa inaasi ku daray in hada tobobarka ay shaqaaluhu qaateen ay ka taakulayin doonto sidi hab fudud loogu uruurin lahaa dakhliga isagoo shacabka dakhliga bixiyana uu kugu baaqay in ay wakhtiyada badhtamaha bisha ay si fudud oo dhib yar ay u bixiyaan dakhliga inta ay la sugaayaan dhamaadka bisha.
Shaqaalaha tobobarkani qaatay ayaa dhankooda sheegay in ay barteen qababka casriga ah ee loo ururin karo dakhliga ama shaqadooda u fufudayin karta iyagoo sheegay in ay dadaal balaadhan ay galin doonan higalinta uruurinta dakhliga ismaamulka oo hada qiyaasti ah boqolkiba 60%


