Ardayda jaamacada diri dhabe ayaa sheegay in dhibaatooyinka dhinacyada baris waxbarasho ee ka jira jaamacada ay sobobi karaan iska hor imaado ardayda dhexdooda ah

    Ardayda jaamacada oo kulan la qaatay wafti ka socday wasaarada wax barashada ee dalka ayaa sheegay in ay jiraan dhimaatooyin ka haysta dhanka cuntada, dhanka agabyada waxbarasho, goobaha madadaalada sida DSTV ay ka dawadaan ciyaaraha oo aan jaamacada ku dhex oolin, nadaafada xerada dhexdeeda gaar ahaan meelaha cuntada lagu kariyo, lacagaha la siiyo ardaydaan ka cunin cuntada jaamacada oo aan u yar bishina lasiiyo 450 birr oo kaliya… IWL..

    Ardayda ayaa intaasi ku daray in dhibaatooyinkasi kasakow ay jiraan shaqsiyaad dhexdooda ku jira oo wada waxyaabo khal khal galinaaya amniga oo la rabo in madaxa la iskugu dhufto ardayda iyado loo adeegsanaayo baraha bulshada iyo waliba qaar kale oo darbiyada jaamacada ku dhajiya qoraalo cabsi galiya ardayda jaamacada.

    Maxadawaynaha jaamacada D/r yaaredh maamo ayaa sheegay in ay ardaydu soo bandhigeen ilaa 10 aqabadood oo ka haysata dhinacyada bais waxbarasho dhamaantoodana ay u bahan yihiin in si buuxda laga hawlgalo oo wakhti dhaw loo soo dhamayistiro agabyada u fududanyin kara in ay wax barashadooda ay u dhigtaan si bilaa cabsi ah oo kaliya ay ka fikiraan wax barashadooda. Mudane yaared ayaa intaasi ku daray in ay ardaydu iska jiraan waxyaabaha nabadgalyada khal khal galinaayaa oo hadi ay maqlaan masuuliyinta jaamacada ay waydiiyaan si ay meesha uga baxdo amni daro ku imata jaabacada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *