Waxaa haweenka loo qabtay shir waynaha nabadgalyada iyo barnaamijka loogu magic daray gaari.

    Haweenka ayaa waxay door muhim ah ay ka qaadanaayan sugida nabad galyada dalka iyo waliba deegaankooda iyagoo wakhtiyadani danbe si la siman raga uga qayib qaata siyaasada dalka. Sir waynahan ooh al kudhag looga dhigay gaaridu way hamidaa, wayqorshaysataa wayna hirgalisaa ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee golaha baarlamaanka ee ismaamulka.

    Shirkan oo ay soo diyaariyay xafiiska haweenka iyo dhalaanka ee ismaamulka ayaa waxaa ka soo qayib galay ururada haweenka ee ka jira ismaamulkan diri dhabe iyado looga wada xaajooday sidii nabad galyada loo adkayin lahaa haweenkuna ay doorkooda uga soo bixi lahaayeen.

    Furitanka shirkan ayaa waxaa qudbad kasoo jeediyay madaxa xafiiska haweenka iyo dhalaanka ee ismaamulka marwo muluka maxamed oo sheegtay in lasii xoojin doono ka qayib galinta iyo waliba kordhinta kartida haweenka ayaa waxay sheegtay in barnaamijyada haweenka looga faa`idaynaayo ee looga qayb galinaayo hawlaha horumarinta iyado laga ilaalinaayo tacdiyoyinka loo gaysto gabdhaha.

    Marwo mulika ayaa intaasi ku dartay in ay haweenku ay yihiin lafdhabarka nabadgalyada loona bahan yahay in ay kasoo baaan hawlaha nabad sugida oo ay isgarab taagaan xaruumaha nadagalyada.

    Ugu danbaynti ayaa waxaa fikiro ku daadan nabad galyada iyo doorka ay ka ciyaari karaan haweenku kusoo ban dhigay kasooqayib galayaashi shirkaasi iyagoo sheegay in ay nabad galyo la`aantu dhibaatada ugu horaysa ay kasoo gaadhayso haweenka waxayna intaasi ay ku dareen in ay si buuxda ay ula shaqayn doonaan laamaha amniga.

    Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday masuuliynta sarsare ee ismaamulka sida afhayeenka golaha baarlamaanka ismaamulka iyo waliba ku xigeenka duqa ismaamulka mudane cabdala axmed sido kale odoyo dhaqameedka , aabayasha diimaha, ugaasyada iyo waliba abaagadhayaasha

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *