Carwo sawireedkan oo ay kasooqayib galeen 9ka qabale ee magaalada iyo waliba xafiisyada kale ee dawlada ayaa waxaa labu soo ban dhigay sawiro ka turjumaaya waxqabadki xafiisyadani. Carwo sawireedkan oo uu soo diyaariyay xafiiska baramaanka ismaamulka ayaa waxaa furitanki carwadaasi qodobka ka jaray duqa ismaamulka mudane ibraahim cusmaan iyo af hayeenka golaha barlamaanka ee ismaamulka mudane cabdusalaam maxamed.
Mudane cabdusalaan oo furitaankasi carwada fariin kooban kasoo jeediyay madashasi ayaa sheegay in carwadani ay qayib ka tahay xuska maalinta qowomiyadaha iyo shucuubaha dalka ee sannad waliba la xuso 29 bisha hidhar waxaana sanadkan lagu qaban doonaa ayuu idhi magaalada addiis ee xaruunta dalka oo markisii 13aad si heer sare ah loo qaban doono ayuu sheegay in ismaamulkan diri dhabena siyaabo kala duwan looga xusi doonaa.
Kadib qud`badaasi furitaanka carwo sawireedka waxaay xafiisyada kala duwan ee ismaamulkan diri dhabe u macneeyeen sawirada ka turjumaaya hawlaha horumarineed ee ay ka wadaan ismaamulkan diri dhabe.


