Shirkan caadiga ahaa ee ururka haweenka xisbiga EPRDF oo markisi 4aad laqabanaayo ayaa waxaa lagaga hadlay qodobo dhawr ah oo ay gudiga ururkaasi soo diyaariyeen waxaana ka mid ahaa qorshihii iyo waxi guga qabsoomay labadi sannado ee lasoo dhaafay.
Shirkan oo halkudhag looga dhigay si midnimo iyo horumar han uga qayb galino hana uga faa`idayno haweenka ayaa 21 iyo 22 bishan hidhaar uu qabsoomay .
Shirkan oo ay soo diyaariyeen haweenku ayaa waxaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay kuxigeenka duqa ismaamulka ahna hogaanka xafiiska ganacsiga,maalgashiga iyo warshadayin ee ismaamulka mudane cabdala axmed oo sheegay in ururda caynkan oo kale ah ay ahmiyad balaadhan ay ugu fadhiyaan haweenka marka laga hadlaayo ka qayib galinta arimaha bulshada iyo kuwa siyaasada waxaana kasoo baxa haween lagu kalsoonaan karo oo hogaaminta hoose iyo kuwa sareba loo magacaabo.
Shirkan ayaa waxaa sidoo ka hadlay godoomisada ururkasi marwo aynaalam tasara oo sheegtay in shirkan ahmiyada ay haweenka u leedahay nabad galyadu iyadoo intaasi ku dartay in dhibaatada ugu badan ee amni daradu ay soo gaadho haweenka waxaa loo baahan yahay in la yeesho qorshe cad oo looga qayib qaadanaayo nabad sugida.
Shirkan ayaa waxaa lagu soo ban dhigay waxqabadka ururka ee labadi sano ee lasoo dhaafay iyo waliba qiimayinta gudiga fulinta ee ururkasi iyadoo doorasho lasameeyay gudigana isbadil lagu sameeyay xubnihiisa.


