Labadi todobaad ee ugu danbeeyay ayaa waxaa ismaamulkan diri dhabe ka socday shirar nabad galyada ismaamulka dib loogu soo celinaayo iyadoo inihi ugu danbeeyay ay ismaamulka usoo noq noqonaayeen rabshado ku salaysan siyaasado.
Haddaba waxaa inta uu shirkani socday la is dul taagay dhibaatooyinka xambarsan rabshadaha iyadoo ay shacabka siyaabaha kala duwan uga soo qayib galay shirarkani ay sheegen in dhibaato u dhaxaysa bulshada dexdeeda ay jirin oo dhamaan dhibaatada dhacday ay dhabarka u ritaan masuuliyiinta ismaamulka.
Shirkani gaba gabada u ahaa shirarki kasoo qabsoomay ismaamulka ee nabad galyada ayaa waxaa hogaaminaayay duqa ismaamulka iyo ku xigeenkisa iyagoo ay sheegen in uu ismaamulkani ku nooyihiin qoomiyado kala duwan oo si isjacayil ah kuwada nool waxayna dhaleeceyen shaqsiyaadka ku qadhabanaaya magaca dawlada ee raba in ay madaxa iskugu dhuftaan bulshada ismaamulka.
Shirkan oo ay bulshada ismaamulku si diiran uga soo qayib galeen ayaa waxaa wehelinaayay masuuliyinta sarsare ee ismaamulka, aabayaasha diimaha iyo dhaqanka waxaana la isku raacay in la xoojiyo nabad galyada ismaamulka iyo waliba ta dalkaba iyadoo la iska jiraayo dadka khilaafadka wada eek u caanka baxay dhibaataynta bulshada iyo dalkaba.


