Xaruunta (sabada) warshadaynta ee ismaamulkani diri dhabe ayaa maanta la daah furay.

    Raysal wasaaraha dalka Dr abiyi axmed, kuxigeenkisa mudane dhamaqe mokonin, madaxwaynayaasha deegaanada soomaalida iyo oromada mudane mustafe maxamuud iyo mudane shamalis abdhisa iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo mudane binalf andhu`alam iyo masuuliyinta sarsare ee ismaamulka ayaa goob jog ka ahaa munaasibadi lagu daah furaayay xaruuntani oo ku fadhida dhul baaxadisu dhantahay 150 hektaar.
    Xaruuntani oo hadda ay ka heleen fursado shaqo dad ka badan kun qof ayaa waxaa la filaaya markay shirkadaha shaqo abuurku bilaaban shaqooyinkooda ay dad ka badan 20 kun oo qof ay ka helaan fursado shaqo.
    Dhismaha xaruuntani oo ay ku baxday lacag dhan 150 milyan oo doolarka maraykanka ayaa waxay ka kooban tahay 15 hangaar waxaana hada shaqoyin kala ah wax soosaarka Dharka iyo marooyinka(harqadaha dharka) ka bilaabay 4 shirkadood.
    X/W/I D D