Dhalintan oo iskuood isku xil qaaday ayaa waxaa ay qureec ku diyaariyeen wadada isgooyska ah ee looga kala goosho xafadaha mar maarsha, sabiyan iyo waliba xaafada gando tasfa ayaa waxaa ay ugu talo galeen umada muslimka ah ee xusaaya ciida ciidul fidriga.
Dhalinyaradan ayaa barnaamijkan qureec diyaarinta uga gol lahayd sidii loosii xoojin lahaa isjacaylki ka dhaxeeyay diimaha iyo qoomiyadaha kala duwan ee ku wada nool ismaamukan diri dhaba iyadoo ay dadki kasoo baxay salaada ciida ay ka qureecdeen goobtasi.
Qaar ka mid ah dhalinyaradi qureecdasi soo diyaarisay ayaa noo sheegay in ay arintan uga gol leeyihiin sii xoojinta nabad galyada iyo isqadarinta ka dhex jirta bulshada magaalada iyadoo geesta kale ay sheegen in ay dhalinta kale ee xaafadaha kala duwan ee magaaladuna sii adkeeyaan isku soo dhawaanshiyaha iyo waliba isla noolanshiyaha ku salaysan is jacaylka.


