Xarunta ganacsiga ee taariikhiga ah ee Qefira ayaa si rasmi ah maanta dib loo furay kaddib markii lagu sameeyay dib-u-dayactir ballaaran iyo horumarin casri ah oo lagu xoojiyay kaabayaasha marinnada.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Duqa Maamulka Dir Dhabe, Mudane Khedir Juhar, oo sheegay in dib-u-habaynta Qefira ay ka dhigan tahay bilow cusub oo kor u qaadaya ganacsiga magaalada. Duqa ayaa xusay in mashruucani uu yahay isku-dar u dhexeeya taariikh iyo casri, isagoo tilmaamay in xarunta loo habeeyay si ay u bixiso jawi ganacsi…


