Bulshada ku nool Dir Dhabe waxaa si weyn loogu dhiirrigelinayaa inay gutaan waajibaadkooda madaniga ah, gaar ahaan qaadashada kaararka codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashada guud ee 7aad.
Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo dhismaha qaran ku dhisan wadajir iyo is-afgarad. Koox suxufiyiin ah oo ka socotay Xafiiska Warfaafinta ee ismaamulka Dir Dhabe ayaa la kulmay qaar ka mid ah shacabka deegaanka, kuwaas oo xaqiijiyay inay qaateen kaararkooda codbixinta. Waxay sheegeen in ay fahamsan yihiin muhiimadda ay leedahay…


