Xafiska hawenka,carrurta iyo arrimaha bulshada ee ismamulka diridhaba,ayaa bilabaay dadalada logaga midhalinayo qorshaha shaqo ee100 malmood lagu fulinayo.

Sida lawada ogsonyahay tabobarki dhawaan hogamiinta sare loqabtay ee gunnadkii tabobarka raysal wazaraha dalka dr abiy axmad,ku bixiyay awamir shaqo iyo jihoyin kusalaysan xawli iyo hal abuur sii logadho guul qaybo badan leh,hadaba ismamulka diridhaba oo arrintan ka dulaya,ayaa qorshahan qatay oo xafis walba u qorshaystay sii wax logaga qabto shaqoyinka 100 malmood u qorshaysan…

Read More

Xafiiska Caafimaadka ee is Maamulka Diridhaba,ayaa gulo kaso hooyay gaadhsiinta iyo fidiinta dhaanka adeeg bixiinta cafimaadka.

Dr. Tsgeredha Kifle, oo ahaMadaxa Xafiiska Caafimaadka ee ismamulka Diridhaba, ayaa sheegtay in ismamulka laga diwan galiyay nidaamka cafimaadka caaymiska bulshada ee waaxda caafimaadka si loo hubiyo in bulshadu ay yihiin kuwa ka faa’iidaysta adeegyada caafimaadka ee caddaaladda ku salaysaan. Xafiiska,ayaa sheegay inuu qaban doono shaqoyin badan si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee tayada leh,…

Read More

Xafiska waxbarashada Ee Ismamulka Diridhaba,Ayaa ku hawlan sidi tayada iyo gadhsinta waxbarashada loga shaqayn laha.

Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee ismamulka diridhaba,Mudane Suldan Caliyii, ayaa sheegtay in xafiisku uu ka shaqaynayo sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada iyada oo loo marayo qorshaha 100-ka maalmood ah. Wuuna sharraxay habka waxbaridda iyo waxbarashada iyo hawlaha taageerada isku-dubaridka ah ee ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta si loo hubiyo tayada waxbarashada ee qorshaha 100-ka maalmood ah….

Read More

Waxaa la sheegay in Ismaamulka Dire Dhabe uu si ballaaran u tababarayo isla markaana u shaqaaleysiinayo dadka soo laabanaya, isaga oo siinaya xirfado kala duwan oo u sahlaya inay dib ugu biiraan suuqa shaqada.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dib-u-dejinta iyo isku-filnaanshaha dadka soo laabanaya. Arrintan darteed, wafdi ka kooban Midowga Yurub, Safaaradaha Ingiriiska iyo Sweden ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, iyo Xafiiska Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Itoobiya ayaa la-tashiyo la yeeshay Ismaamulka Dire Dhabe, si ay uga wadahadlaan dadaallada lagu dhisayo awoodda…

Read More

Ismamulka ayaa 2000, oo wadeneda shirkkadaha yar yar ka hawl gala lasiyay,310 milyan oo birr oo dayn ah.

Duqa Magaalada, mudane Khadir Juhar,oo kalfadhiga caadiga ah ee gollaha barlaamaanka maanta uso jedinayay,warbixinta waxqabaadka 6bilood ee lasodhafay ayaa sheegay in 19 mashruuc la horumariyay iyadoo diiradda la saarayo taageeridda maalgashiga maamulka. Duqa ayaa sido kale sheegay in korontada iyo kaabayaasha dhaqaalaha la bixinayo si loogu suurtagaliyo maalgashiyadan inay abuuraan fursado shaqo oo joogto ah…

Read More

horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee magaaladu waa mid magaalada kor u qaadaysa bilicdeeda iyo waliba casrinimadeedaba.

injineer jamaal ibraahim Madaxa xafiiska maaraynta magaalada dir dhaba. Xafiiska maaraynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaaladani dir dhaba ayaa sheegay in qorshaha boqolka maalmood ee uu xafiisku leeyahay culayska lagu saaray sidii loo dadajin laha hawlaha uu xafiisku ka wado magaalada dhexdeeda ee kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicdaba. Xafiiska ayaa waxaa hoos imaada…

Read More

Waxaa la sheegay in kor loo qaadi doono fursadaha shaqo abuurka inta lagu gudajiro qorshaha boqolka maalmood ee waxqabadka xafiiska xirfadaha, shaqada iyo teknoolojiyada ee ismaamulkani dir dhaba.

Tababarki ugu danbeeyay ee uu raysul wasaare abiyi axmed (Dr) uu siiyaay masuuliyinta sare ee dalka ayuu ku sheegay in mudo 100 maalmood ah la qabto hawlo lagaga midho dhalinayo himilooyinka uu dalku leeyahay oo ay ugu waawayn yihin kor u qaadka horumarka qaybihiisa kala duwan iyo xaqiijinta ka jawaabidda baahiyaha maamulka suuban gaar ahaan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dir-Dhabe, halkaas oo uu booqasho shaqo ku kormeerayo mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo ka socda ismaamulka Dir-Dhabe.

Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dir-Dhabe, Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran u soo dhaweeyay Duqa Ismaamulka Dir-Dhabe, Mudane Khadir Juhar, Ku-xigeenka Duqa Magaalada Mudane Harbi Buh, xubno ka tirsan maamulka sare ee ismaamulka, odayaasha dhaqanka, culimada diinta, iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

Read More

Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii mustaqbalka dir dhabe u noqon lahay magaalo dhinacyada dhismaha iyo guriyayntuba loo sii dhamaystiro.

Injineer cumar ducaale :- madaxa xafiiska dhismaha iyo horumarinta guriyaynta ee ismaamulka dir dhaba. Dir dhaba oo ah magaalo hadda ka hor lagu yaqaanay dhinaca qorshe ahaga magaalada oo laga dareemi karo in ay tahay magaaladu mid ilbaxnimo iyo xadaaradi ka jirto ayuu wuxu wada xafiiska dhismaha iyo horumarinta guriyayntu talaabooyin kor loogu qaadayo isla…

Read More

Waxaa laa tilmaamay inay Dhallinyaradu si firfircoon uga qayb qaataan hawlaha dhisida nabad iyo wada noolaanshaha.

Garabka Dhalinyarada ee Dagmada 08 ee is Maamulka Diridhaba, oo kaashanaya Komishiinka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha isboortiga ee is Maamulka Diridhaba, ayaa qabtay barnaamij lagu aqoonsanayo laguna qaddarinayo kaalinta aay hoggaamiyayaasha ismaamulku ay kaga qayb qaen ilaalinta nabadda iyo dardargalinta horumarka. Waxaa sidoo kale la bixiyay tababar ku saabsan doorka dhallinyarada si loo hubiyo doorashada qaraan…

Read More