Wafti ay hogaaminayso af hayeenka golaha wakiilada ee deegaanka hararida oo waday koobka wadajirka iyo midnimada ee xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta ee 29ka bisha hidhaar ayaa ismaamulka diri dhabe soo gaadhay.
Xuska qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ayaa la xusaa sannad waliba 29ka bishani iyadoo sanadkani markisi 15aad guud ahaan dalkoo dhan laga xusi doono. Koobkani oo socdaalkisa laga soo bilaabay xaruunta dawlad deegaanka soomaalida ayaa deeganka hararida soomaray waxana manta lasoo gaadhsiiyay ismaamulkani diri dhabe. Koobkani ayaa waxaa ka qaabilay af hayeenka golaha baarlamaanka ee deegaanka…


