Wafti ay hogaaminayso af hayeenka golaha wakiilada ee deegaanka hararida oo waday koobka wadajirka iyo midnimada ee xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta ee 29ka bisha hidhaar ayaa ismaamulka diri dhabe soo gaadhay.

    Xuska qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ayaa la xusaa sannad waliba 29ka bishani iyadoo sanadkani markisi 15aad guud ahaan dalkoo dhan laga xusi doono.
    Koobkani oo socdaalkisa laga soo bilaabay xaruunta dawlad deegaanka soomaalida ayaa deeganka hararida soomaray waxana manta lasoo gaadhsiiyay ismaamulkani diri dhabe.
    Koobkani ayaa waxaa ka qaabilay af hayeenka golaha baarlamaanka ee deegaanka hararida marwo adhis`alam besaabih dhigeeda ismaamulka diri dhabe marwo faduum Mustafa iyo masuuliyinta sarsare ee ismaamulka aabayaasha dhaqanka iyo waliba kuwa diimaha iyo marti sharafeef kale oo lagusoo marti galiyay munaasibadani.
    Marwo faduun Mustafa oo ah af hayeenka golaha baarlamaana ismaamulkani diri dhabe ayaa waxay qudbad ay kazoo jeedisay munaasibadaasi ku sheegtay in sannadkani a gadisan tahay sannadadi hore maadaama uu dalkeenu ka hano qaaday isbadil dhinacyo badan taabanaaya.
    Geesta kale duqa ismaamulka ayaa sheegay in ay diri dhabe tahay magaalo ay daganyihin qoomiyado kala duwan taasina ay munaasib ku tahay hadii lagu tilmaamo waa itoobiyada yar.
    Koobkani ayaa maalmo kooban ku sugnaan doona magaaladani diri dhabe waxaana la qaban doona inta uu diri dhabe yaalo hawlo kor loogu qaadaayo bilicda magaalada iyo waliba wacyi galino lagu maamusaayo maalinta qoomiyadaha iyo shucuubaha itoobiya ee marki 15aad si heer qaran ah 29ka bisha hidhaar laga xusi doono.