Waa inaan u mahadcelinno geesiyaasha nabadda si geesinimo iyo hoggaan wanaagsan ugu ilaaliyay ismaamulka, kuwaas oo si hufan u gutay waajibaadkooda iyagoo difaacaya nabadda iyo amniga bulshada,” ayuu yiri Duqa Magaalada Dire Dhabe, Mudane Khedir Juhar.
Ismaamulka Dire Dhabe ayaa qabtay barnaamij aqoonsi iyo mahadnaq ah oo lagu sharfayay geesiyaasha, hay’adaha iyo dhammaan cid kasta oo si muuqata uga qayb qaadatay ilaalinta nabadda iyo amniga, kuwaas oo muujiyay geesinimo, karti iyo masuuliyad sare. Dhawaan, kooxo argagixiso ah ayaa isku dayay inay carqaladeeyaan nabadda iyo amniga gobollada bariga dalka, oo ay ku…


