Xuska munaasibada qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya ayaa marki 16aad lagu xusi doonaa ismaamulkani diri dhabe sidaa awgeed waxaan dhamaan shacab waynaha ismaamulka ugu baaqayaa in ay xoojiyaan walaaltinimada iyo waliba sumacada fiican ee bulshada ismaamulka lagu garanaayo ee ah marti soorka iyo waliba soo dhawaynta wanaagsan in ay sii xoojiyaan.
Bulshada ismaamulka ayaa lagu yaqaanaa in si walaaltinimo iyo isjacayl ah ay u wada noolyihiin taasina waxay ku haboontahay in shacab waynaha dalkoo dhan la tuso sidaa darted munaasibadani waxay inoo noqonaysaa fursad fiican. Kooxda argagixisada ah ee TPLF oo soo samayin jirtay falal anshax xumo ah ayaanan marnaana ka baxaynin quluubta jiilka hada jira…


