Xuska munaasibada qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya ayaa marki 16aad lagu xusi doonaa ismaamulkani diri dhabe sidaa awgeed waxaan dhamaan shacab waynaha ismaamulka ugu baaqayaa in ay xoojiyaan walaaltinimada iyo waliba sumacada fiican ee bulshada ismaamulka lagu garanaayo ee ah marti soorka iyo waliba soo dhawaynta wanaagsan in ay sii xoojiyaan.

    Bulshada ismaamulka ayaa lagu yaqaanaa in si walaaltinimo iyo isjacayl ah ay u wada noolyihiin taasina waxay ku haboontahay in shacab waynaha dalkoo dhan la tuso sidaa darted munaasibadani waxay inoo noqonaysaa fursad fiican.
    Kooxda argagixisada ah ee TPLF oo soo samayin jirtay falal anshax xumo ah ayaanan marnaana ka baxaynin quluubta jiilka hada jira sidaa darteedna waxaa looga guulaysan wadajirka shacabka oo laxaabaali doona si ay mar danbe u samayin dhibaato shacabka waxyeelaysa.
    Dhamaan shacab waynaha dalku waa in ay wakhtigani oo ay dhibaatooyinku soo food saareen jiritaanka qaranka ay muujiyaan wadajir iyo in ay meel uga soo wada jeestaan si uu caalamku u arko wada jirkeena iyo isku duubnideena.
    Dhamaan laamaha amaanka, xaruumaha adeegyada bixiya shaqsiyaadka, ganacsatada iyo waliba dhamaan shacab waynaha ismaamulka waxaan ugu baaqaya in ay xuska munaasibadani maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya sidi ay nabad galyo ugusoo dhamaan lahay ay doorkooda ka qaataan hawlaha loogu jiro soodhawayinta martida iman doonta ismaamulka diri dhabe iyo nabadgalyadoodaba.
    Walaaltinimo ku salaysan midnimada qowmiyadaha
    Khadiir jawhar
    Maayarka ismaamulka diri dhabe
    X/W/IDD