wakaalada biyaha iyo dareeraha ismaamulka diri dhabe ayaa ismaamulka gudoonsiisay gargaarka biyo xidheenka wayin ee abaay oo ay shaqaalaha wakaaladu iska uruuriyeen.

    wakaalada biyaha iyo dareeraha ismaamulka ayaa gargaarkani ay bixisay hada uu yahay kiisi sadexaad waxayna hadda gudoonsiisay ismaamulka 1 bilyan oo birr oo boondhi ah.
    kuxigeenka ahna madaxa xafiiska ganacsiga,warshadayinta iyo maalgashiga oo ah madaxa isku duwaha ilaha taageerada mashuuca ayaa sheegay in biyo xidheenkani wakhtigani la joogo uu kusii dhawyahay gaba gabadi oo wakhti dhaw gudaheed uu bilaabi doono soo saarista layidh tiriiga taageerada cayinkani oo kalena u fududaynayso in la sii xoojiyo hawlaha loogu jiro dhamaystirka biyo xidheenka.
    gargaarkani ayaa waxaa gudoonsiiyay ismaamulka maareeyaha wakaalada biyaha iyo dareeraha ee ismaamulka mudane maxamad ayaa geestiisa sheegay in ay shaqaalaha wakaaladu sii xoojin doonaan iibsashada boondhiga biyo xidheenka wayin ee abaay.
    X/W/IDD