laamaha amaanka ee bariga dalka ayaa kulan ka qaatay masuuliyiinta ismaamulka iyago ka wada xaajooday sidii looga hortagi lahaa lacagaha sharci darada.

    kulankani ayaa lagu gor-feeyay habka lagu xaqiijin karo hawlaha logu jiro ka hortagida lacagaha sharci darada ah ee dhaqaalaha dalka hoos u dhigaaya.

    ugu danbayn tii ayaa waxaa la isla qaatay in muwaadiniinta loo ogolayn in ay guryaha ku haystaan lacago ka baan 1.5 milyay oo birr ayna keenaan baananka iyado xaruumaha ganacsi ee uu dakhligoodu ka badan karo 1.5 milyana fiiro gaar ah lasiin doono.

    mawaadiniinta ayaa loo ogolyahay in ay guryahooda ku haystaan lacago aan ka badnayn inta la xadiday waxaana bangaga qaranka ee dalku ugu baaqay in ay mudo yar gudaheed ay ku badishaan lacagaha ay guryaha ku haystaan oo ay isticmaalaan baananka dalka.