Maalintan ayaa dood cilmiyeed lagaga wada xaajoonaayay sidi bulshada loo gaadhsiin lahaa xog dhamaystiran oo ku eedan dhinacyada waxqabadka iyo adeegyada ay bixiyaan xaruumaha dawladu iyadoo la sheegay in ay xogta oo dadka la gaadhsiiyo ay ahayn uun dimuquraadiyad ee ay tahay xuquuqul insaanka oo kor loo qaadayo.
Munaasibadani ayaa waxaa qudbadi furitaanka soo jeediyay duqa ismaamulka mudane axmed maxamed buux oo sheegay in ay xog iswaydaarsiga bulshadu ahayd mid soo jireen ah oo ay dhaqan usoo lahaayeen hadana loo baahan yahay in kor loosii qaado.
Xuskani ayaa waxaa si wada jir ah usoo wada diyaariyay xafiiska warfaafinta ee ismaamulka iyo xafiiska ilin dhawrka ee ismaamulka waxaana kazoo qayb galay khabiirada warbaahinta iyo kuwa xog gudbinta ee xafiisyada dawlada magaaladani diri dhabe.


