Xafiiska haweenka iyo dhalaanka ee ismaamulka diri dhabe ayaa soo qaban qaabiyay kulan ay kasoo qayb galeen garabka bulshada ee xafiisku ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee golaha wakiilada ismaamulkan diri dhabe.

    Kulankani ayaa lagusoo ban dhigay qorshaha 10 ka sano ee xafiiska iyo waliba wax qabadki sannad misaaniyeedki na dhaafay ee 2012 TI.
    Furitaanki shirkani ayaa waxaa qudbad kazoo jeediyay marwo karima cali ayaa sheegtay in dadaalada loogu jiro sidi kor loogu qaadi laha uga faa`idaynta haweenka iyo dhalaanka dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waliba siyaasada qorshaha 10 ka sanno ee soo socda ahmiyada koobaad a siiyay.
    Sidoo kale waxay marwo karima intaasi ku dartay in qorshihi waxqabadka sanadki tagay laga midho dhaliyay iyado uu sanadkaasi ku dhamaystirnaa isbadilka koboca dhaqaalaha ee shanty sano kasoo gudubnay.
    Haweenka iyo dhalaanka ayaa waxaa lagula kacaa falal dhinacyada jinsiyada ah iyadoo ay falalkasina ka mid yihiin kufsiga iyo waliba caadooyinka dib u hadhaanimada.
    Kulankani oo wada xaajood ahaa ayaa lagaga dooday sidii horumarka dalka looga qayb galin lahaa haweenka qaybahooda kala duwan loona heli lahaa haween go`aamada dalka lagu hagaayo abuura.