Wafti uu hor kacaayo duqa ismaamulka mudane axmed maxamed buux ayaa soo kor meeray Inihii udanbaysay khasaaruhu ayaxu u gaystay beeralayda qabaleyada miyiga ee ismaamulkani diri dhabe

    Ayaxa ayaa qabeleyada 4 kilaastar ee miyiga ku kala yaala u gaystay khasaare iyadoo beeraha iyo dhul daaqsimeedka qabaleyada miyiga ee ismaamulkani diri dhabe uu khasaaruhu gaadhay aan wali la qiyaasi Karin ayaa haddana uu jiraa khasaare beeraha iyo dhul daaqsimeedka gaadhay.
    Duqa oo hogaaminaaya qaar ka mid ah kaabineedka ayaa soo kor meeray qabaleeyada kilaastarka waaxil iyagoo u kuur galay khasaaraha gaadhay beeralayda qabaleeyada kala ah laga oda, balawa iyo waliba qaar kale oo hoos imaada kilaastarkaasi ayay waxay la kulmeen bulshada beeralayda ee beerahoodi khasaaraha uu gaadhsiiyay ayaxu.
    Duqa ayaa bulshada ugu baaqay in ay sii xoojiyaan dadaalada ay ugu jiraan sidii ay uga celin lahaayeen ayaxa beeraha khasaarahana loo dhimi lahaa.
    Socdaalkani lagusoo kormeerayay khasaaraha uu ayuxu u gastay afarta kilaastar ee miyiga ayaa maanta masuuliyinta sare ee ismaamulku kusoo indho indheeyeen waxayna tilmaameen in ay qiimayn doonaan khasaaraha iyago la kaashanaaya xukuumada dhexe ee federaalkana ay bulshada gaadhsiin doonaan garaago kala duwan.