Dugsiada dawlada ayaa dib loo bilaabi doonaa laga bilaaba maalinta isniinta ee fooda nagusoo haysa.

    Xafiiska waxbarashada ee ismaamulkan diri dhabe ayaa sheegay in uu so gaba gabaysmay u diyaar garawgi biaabida waxbarashada dugsiyada dawlada.
    Madaxa xafiiska waxbarashada ee ismaamulka marwo muluka maxamed ayaa shir jaraa`id oo ay warbaahinta siisay ayaay ku shaacisay in ay soo gaba gabaysantay diyaar garawgi loogu diyaar garoobayay in dib loo bilaabo waxbarashada sannadkani 2013 Ti waxaana ay sheegtay in 9ka bishani tiqimti la bilaabi doono dugsiyada dawlada ee miyiga sidoo kalena kuwa magaladana la bilaabi doono todobaadka danbe 16 bisha tiqimti.
    Marwo muluka ayaa dhammaan walidiinta iyo ardaydaba ugu baaqday in ay isku diyaariyaan bilaabida wax barashada sidoo kale lagu dadaalo sidii la iskaga ilaalin lahaa halista caabuqa korona fayraska.
    X/W/I D D