Kulan uu soo diyaariyay xafiiska dhismaha iyo horumarinta magaalada oo lagaga wada xaajoonaayay sidi kor loogu qaadi lahaa mashaaricaha horumarineed ayaa ka qabsoomay holka shirarka e eras huteel.

    Kulankani oo ay kazoo qayb galeen masuuliyinta sarsare ee ismaamulka iyo gudoomiyayaasha 9ka qabale ee magaalada ayaa waxaa furitaanki kuankani ka hadlay mudane injineer Jamaal ibraahim oo ah madaxa xafiiska dhismaha iyo horumarinta magaalada ayaa sheegay in mashaaricaha oo laga qayb galiyo bulshada ay abuuri karto cad caadaan iyo waliba in ay mashaaricdasi yeeshaan tayo oo ay wakhti dheer ageedyada loo igmaday ay bixiyaan.
    Geesta kale kulankani oo shir gudoominaayay duqa ismaamulka mudane axmed mahamed buux ayaa sheegay in hogdaloolooyinka ku eedan mashaaricaha kala duwan ee ismaamulka ka socda qaabki loo maareeyay dhismahooda in la baadho oo laga saxo khaladaadka waa mid ay bulshada ka heli karto fur furnaan iyo waliba in ay ku dhiirato ka qayib galkoodaba.
    Kulankani ayaa waxaa lagusoo ban dhigay qoraal lagu soo daraasaynaayay kor u qaadista ka qaybgalka bulshada ee hawlaha horumarinta magaalada iyo sidi looga hufi lahaa waxyaabaha hoos u dhigaaya horumarka oo ay ugu horayso qaab dhismeedyada kala duwan oo qaarkod aan lagu samaynin daraasaad.