Boolis koomishika diri dhabe ayaa sheegay in uu qabtay koox xidhiidh la leh ururka TPLF oo rabay in ay falal argixiso ah ay ka fuliyaan magaalada diri dhabe.

    Booliska ayaa gacanta ku dhigay 18 qof iyo waliba hub iskugu jira rasaas, baaskoolado, buugaanta baanka, baasabooro iyo waliba lab toobyo(computer).
    Koomishineerka boolis koomishinka ismaamulka koomishineer alamu magra ayaa sheegay in uu boolisku had iyo jeer foojigan yahay uuna fulinayo talaabooyin lagaga hortagaayo falalka argagixisanimo ee ay kooxaha argagixisooinku rabaan in ay ka fuliyaan ismaamulkani diri dhabe.
    Koomishineerka ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka taxadiraan dhibaatooyinka ay samayn karaan kooxahani lana shaqeeyan booliska si looga hor tago dhibaatoyinka argagixisada.