munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay kawaanka cusub ee ismaamulka diri dhabe ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyin heer federaal ah oo ay hogaaminayso wasiiru dawlaha wasaarada gaashaan dhiga.
munaasibadani oo ay furitaanki uu ka hadlay madaxa xafiiska xisbiga barwaaqado mudane mabraate gabrayes ayaa sheegay in ay bulshada ismaamulku ay gargaarka iyo taageerada ay u fidinayaan ciidanka qarankooda ay marnaana kala goynayn iyagoo had iyo jeer utaagan yihiin sidii kooxaha xagjirka ah ee isku uruursaday waqooyiga dalka talaabooyinka sharciga lagu hor keenaayo ay taageersan yihiin.
kuxigeenka duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar ayaa sheegay in mudo todobaad ah lagu soo uruuriyay lacagtani wuxuna uga mahad celiyay sida ay bulshada ismaamulka ee sida dag daga ah uga soo jawaabtay baaqi lagu taageeraayay ciidanka difaaca qarankeena.
geesta kale marwo marita lowaji oo ah wasiiru dawlaha wasaarada gaashan dhiga ayaa sheegtay in ay uga mahad celinayso shacabka diri dhabe iyado waliba gargaarka geela ee ay bixiyeen ku sheegtay mid ka gadisan gargaaradi ilaa hada dalka laga helay waxayna bulshada ku dhiiri galisay garab istaaga ay is garab taageen ciidankooda.
X/W/I D D


