Haweenka Diridhaba Halkii Ay Daqiiq Ka Sugi Lahaayeen In Ay Furtaan Warshado Daqiiq Ah Oo Ay Leeyihiin Wasiirka Warshadaha mudane Melaku Alebel

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xadhiga ka jaray 11 warshadood oo wax soo saar ah oo uu weheliyo duqa magaalada Diridhaba mudane mudane Khedir Juhar.

Warshadaha la furay ayaa waxaa ka mid ah “Warshada Daqiiqda ee Bahir” iyadoo mulkiilaha iyo maareeyaha warshadan ay tahay marwo Maria Sala.

Warshada Daqiiqda ee Bahir ayaa ah warshad ku shaqeysa lacag dhan 37 milyan oo Birr, waxaana ay shaqo abuur u sameysay 21 muwaadin.

Mulkiilaha Warshadan oo lagu magacaabo Maria Sala ayaa dhankeeda ka hadashay sida ay ugu faraxsan tahay furitaanka warshadan, iyadoo sheegtay inay soo martay marxalado kala duwan oo ay maanta soo gaadhay.

Haweenaydan oo sheegtay in magaalada Diridhaba ay tahay magaalo warshadeed oo shaqaynaysa 24-saac, ayaa sheegtay in aanay jirin wax caqabad ah oo dhinaca jinsiga ah oo ka hor istaagaya ka qaybgalka hawshan, balse loo baahan yahay xoog.

Haweenaydan ayaa tilmaantay in qorshaheeda mustaqbalka uu yahay sidii ay u furi lahayd goob raashin ah, waxayna uga mahadcelisay maamulka magaalada taageerada baaxadda leh ee ay siiyeen.

Wasiirka Warshadaha mudane Melaku Alebel ayaa sheegay in haweenka maamulka Diridhaba ay furaan warshado daqiiq ah oo ay iyagu iska furteen halkii ay ku fadhiisan lahaayeen oo ay daqiiq ka sugi lahaayeen, taasina ay tahay mid khibrad u leh deegaanada kale.

Marka laga soo tago warshadda Daqiiqda ee magaalada Bahir oo maanta la furay, waxaa sidoo kale si heer sare ah loo daah furay warshado kale oo ka sameysan burka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *