Warbixin Guddiga Joogtada ah ee Maareynta Kharashaadka Dadweynaha oo Kormeer ku Sameeyay Hay’adaha Dire Dhabe.
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Maareynta Kharashaadka Dadweynaha ee Golaha Maamulka Dire Dhabe ayaa dib-u-eegis iyo kormeer ku sameeyay waxqabadka hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya magaalada, si loo qiimeeyo heerka fulinta talooyinkii hore iyo isticmaalka hufan ee kharashaadka dowladda. Guddigu wuxuu si gaar ah u qiimeeyay hay’adda nadiifinta iyo qurxinta magaalada, hay’adda adeegga kawaannada…


