Waxaa la sheegay in guud ahaan laga dhameeyay bariga dalkeenan ayaxi soo weeraray lagana hor tagay khasaarahi uu dhalin kari lahaa.

    Todobaadki aanu soo dhaafnay ayaa waxaa bariga dalkeenan deegaanada jaarka ku ah sida deegaanka soomaalida, bariga hararge ee deegaanka oromada, deegaanka hararida iyo waliba sidoo kele ismaamulkani diri dhabe ayaa khasaare u gaystay beeralayda iyo waliba dhir daaqsimeedka.
    Haddaba waxaa shir jaraa`id oo ay si wadajir ah u bixiyeen madaxa xafiiska beeraha,biyaha macdanta iyo tamarta ee ismaamulka mudane ibraahim yuusuf iyo waliba ku xigeenka madaxa xafiiska eeraha ee deegaanka oromada mudane geetu gamaju ayaa sheegay in guud ahaan laga tir tiray bariga dalka ayaxi soo weeraray beeraha deegaanada bariga dalka.
    Ayaxani ayaa khasaare u gastay qaar ka mid ah beeraha qabaleeyada miyiga ismaamulkani diri dhabe iyo waliba bariga iyo galbeedka gobolka hararge ee dawlad deegaanka oromada.
    Khasaaraha rasmiga ee ilaa hada soo gaadhay beeraha wali lama soo dhamaystiri haso yeeshee dadaaladi lagu jiray ayaa laga midho dhaliyay iyadoo lasoo gaba gabeeyay ololihi lagaga hor tagaayay ayaxaasi oo dhammanti lagu dilay suntan keemikada ah.
    Gudiga kahor taga ee isku dhafka ah ayaa ka kooban masuuliyinta deeganada jaarka ah waxayna sheegeen in ay ku guulasteen in ay khasaarihisa ku koobaan intii uu hadda ka hor u gastay.
    X/W/I D D