Munaasibad heer sare ah oo loogu talo galay hawlgalinta teknoolojiyadaha casriga ee loo uruuriyo dakhliga ayaa waxaa kazoo qayb galay masuuliyinta sare ee ismaamulka waxaana qudbadi furitaanka soo jeediyay duqa ismaamulka mudane axmed maxamed buux oo sheegay in loo baahan yahay in la helo muwaadiniin si daacadnimo ku dheehan tahay u bixiya canshuuraha iyado dhabada kaliya ee saboolnimada lagaga baxayana ay tahay in la kor loo qaado adeegyada lagu uruurinaayo dakhliga.
Mudane axmed maxamad buux ayaa intaasi ku daray in uu ismaamulku garab istaagaayo wakaalada dakhliga ee ismaamulka uuna wax kaste oo u suuro galinaayay in ay si habsami leh u uruuriyaan dakhliga ay ku garab istaagi doonaan.
Geesta kale mudane cabdusalam maxamed oo ah maareeyaha wakaalada dakhliga ee ismaamulka ayaa sheegay in ay wax kabadili doonaan qaabka ay u adeegayaan muwaadiniinta canshuur bixiyayaasha.
Wakaalada ayaa sanadkani qorshaysatay in ay 1.7 milyan oo birr oo dakhliga ismaamulkan ah ay soo hoyn doonaan.
X/W/I D D


