jaamacada ayaa waxay gargaarkani ugu deeqday dad xoolo dhaqato iyo beeralay iskugu jira oo dhan 320 qof. dadkani oo ay dhibaato kasoo gaadhay hadda ka hor ayaxi beerahooda xaalufiyay iyo waliba dhul daaqsimeedka aagasi ayaa 160 kuntaal oo raashin ah lasiiyay.
jaamacada oo ay hadda dib ugusoo noqonaayaan ardaydi hadda ka hor wax barashadooda looga joojiyay caabuqa korona fayraska awgeed ayaa dib u qaabishay ardayda sannadkani qalin jabin doonta oo tiradoodu kor u dhaafayso 2500 oo arday iyado lasiinaayo wacyigalino ah sidii looga hortai lahaa ama la`iskaga ilaalin lahaa caabuqa korona fayraska.
XW/I DD


