Mudane isqiyaas taafase ayaa fah faahin ka bixiyay qaab dhismeedka kabineedka cusub ee ismaamulka iyo masuuliyinta kale ee uu golaha baarlamaanka ismaamulka lagu hor dhaariyay waxa ay kala yihin.
Ismaamulka ayaa kabineedkisa cusub uu ka kooban yahay 13 xubnood sido kale waxaa jira xubno kale oo loo dhaariyay xafiisyo kale oo ay ka mid yihin madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo yeelan doonana darajada ku xigeenka duqa ismaamulka iyo waliba maareeyaha wakaalada warbaahinta ismaamulka iyo waliba hanti dhawrka guud ee ismaamulka oo la magacaabay.
Mudane isqiyaas ayaa intaasi ku daray in la bilaabi doono wadaxaajood lala yeelan doono bulshada ismaamulka si loo hirgaliyo qorshayaasha 5ta sano iyo 10 sano ee ismaamulka waxaana hada la guda gali doona qorshe 60 maalmood ah oo wadaxaajoodkasi iyo waliba usoo ban dhigida qorahayaasha xafiisyada kala duwan ee ismaamulka shacabka ku dhaqan miyyiga iyo magaaladda.
Mudane isqiyaas ayaa carabka ku adkeeyay in la xoojin doono isla xisaabtanka masuuliyinta heerarka kala duwan ee ismaamulka.
Ugu danbaynti ayuu bulshada ismaamulka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan masuuliyinta cusub ee ay codkooda kusoo doorteen oo ay iska ilaaliyaan waxyaabaha dhexdooda kalsooni darada ka abuuraaya.
X/W/IDD


