Guddiga maamulka wakaalada oo manta yeeshay kulankoodi caadiga ahaa ayaa qiimeeyay qorshahoodi sadexdi biilood ee aan soo dhaafnay oo kazoo bilawday 1 bishi hamle sanadki 2013 ilaa 30 bishi maskaram 2014 TI.
Guddiga ayaa sheegay in rubacani koobaad la uruuriyay dakhli dhan 502,807,591.78 iyadoo uu ahaa qorshuhuna in la uruuriyo 490,634,407.39 oo laga uruurinaayay dakhliga dawlada hoose iyo canshuuraha tooska ah waxaana la sheegay isku cel-celis ahaan in qorshi rubaca koobaad kor loo dhaafay 2.48 boqolkiiba.
Lacag ahaana marka la eego waxay u dhigantaa 12,173,184.39 iyo 39/100 sidoo kale marka loo eego wakhtigan wakhtigiisi sanadi hore ee 2013 ki ayaa isku cel-celis ahaan kor loo dhaafay 4.61 boqolkiba iyado u dhiganta lacag ahaan 197,359,702.26 iyo 52/100.
Maareeyaha wakaalada mudane cabdusalaam maxamed ayaa u bahad naqay shaqaalaha iyo waliba masuuliyinta xafiiska isago bogaadin u diray canshuur bixiyayaasha wakhtigi loogu tala galay ku bixiyay canshuurihi ay bixin lahaayeen.
Sanad miisaaniyeedkani 2014 rubici koobaad ayaa dakhligani laga soo kala uruuriyay
:-Canshuuraha tooska ah ee dawlada lacag dhan 1,866,000,000.00
:- Dakhliga dawlada hoose 410,049,990.43
:-Guud ahaana waa 2,276,049,990.43
Xigaso wakaaldada dakhliga ee IDD


