Duqa ismaamulka diri dhabe mudane khadiir jawhar warmurtiyeed qoraal ah oo uu kaga hadlay xaaladaha uu dalku maraayo u dhigan sida tan.
Duqa ayaa ku nuux nuuxsaday in jihada barwaaqaynta dalka ee uu ku taagan yahay dalkeenu ay dib uga celin karin kooxaha hadimooyinka iyo arqaladaynta ku caan baxay.
Mudane khadiir jawhar duqa ismaamulma ayaa intaasi ku daray in ay kooxdani u aabo yeelaynin gabadhi,caruur, dhalinyaro iyo waayeel oo ay intaba rabaan in ay xasuuqaan.
Waqooyiga itoobiya magaalooyinka ku yaala siday beeraha hadhuudhka ee ku yaala uu ayaxu u cunay ayaay rabaan in ay kooxdani ay iskuulada, xaruumaha caafimaadka, xaruumaha isgaadhsiinta tilifoonka, xaruumaha iyo xadhkaha laydhtiriiga, baangiyada iyo waliba xaruumaha kale ee shacabka iyo dawlada ay boobaan intay qaadan kari waayaana ay gubaan ayaay rabaan ayuu idhi maayarku.
Maayarka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhalinyarada iyo shacabka ismaamulka ugu baaqay in ay isgarab taagaan dadaalada loogu jiro ilaalinta qarankeena iyado uu si gaar ah dhilin yarada uu ugu sheegay in ay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta dalka sidii ay aabayaasheen usoo ilaalin jireen oo laga qayb galo halganka lagu bad baadinaayo shacabka iyo dalkaba.
Ugu danbaynti ayuu mudane khadiir jawhar uu bulshada ismaabulka ku adkeeyay in ay iska jiraan halis kaste oo uga iman karta kooxaha argagixisanimada ku bahoobay oo ay ilaaliyaan xaafadahooda iyo agagaarkoodaba.
Itoobiya way guulaysan, jidka barwaaqaynta dalkeena ee aan haysanana wax hor joogsan kara ma jirto.
Maayarka ismaamulka diri dhabe mudane khadiir jawhar.
Diri dhabe.
X/W/IDD


